Maqal & MuuqaalSomali News

Ra’iisal wasaare Kheyre oo xalay kormeer ku maray Xaafadaha Muqdisho, lana kulmay Dadweynaha [Daawo]

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali khayre ayaa xalay kormeer ku sameeyay qaybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir,siagoo u kuurgalaya Xaaladda Amniga caasimadda.

Ra’iisal wasaaraha ayaa booqday goobaha ay isku yimadaan bulshada, wuxuuna la kulmay qeybo ka mida  shacabka, siagoo waydiinayey tallooyinka iyo cabashadooda ay qabaan ee ay doonayaan in ay dowladdu wax kala qabato, isagoo si cadi ah uga jawaabayey su’aalihii ay wadiinayeen.

Mudane Xasan Cali khaye ayaa suuqa Bakaaraha kula kulmay ciidanka boliska oo ku jiray xiligaas howlgallo ay ku xaqiijinayeen amaanka Caasimadda, waxa uuna ku boogaadiyey kulana dardaarmay in ay laban laabaan  wajibaadkooda ku aadan ilaalinta nafta iyo maalka Muwaadinka.

Kormeerkan xalay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya saacadaha Badan Ku bixiyay ayaa qeyb ka ah qorshaha lagu xoojinayo Amniga Caasimadda,isagoo horay sidan oo kale dhoor Mar Kormeeray qaar Kamid ah Degmooyinka Gobolka Bamaadir.

Tags
Close
Close