FeaturedSomali News

Ra’iisal wasaare Kheyre: “Waa lasoo dhaafay xilligii madaxda Soomalida ay dhexdhexaadin jireen Ajanbi”

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay inaan  la aqbali karin in magaalada madaxda dalka lagu sheego inaan lagushiri karin oo aysan ami ma ahayn.

Mudane Khayre oo xalay magaalada Muqdisho uga qeybgalay munaasabad looga hadlayay barnaamijka Isxilqaan ayaa yiri “Waxaan marnaba la soo dhawayn karin in la yiraahdo magaalo madaxda dalka laguma shiri karo oo amni ma ahan, ma garanayno cidda loogu danaynayo, laakiin waxaan rabaa inaan xusuusiyo cid walba oo sidaas tiri inay Muqdisho tahay Astaanta Qaranka Soomaaliyeed, iyo magaalo ay wada dhisteen dhammaan shacabka Soomaaliyeed”.

Mudane Kheyre oo sii hadlay kana jawaabayey shuruudo ay dhowaan soo saareen madaxda dowlad Goboleedyada ayaa sheegay  in laga gudbay xilligii arimaha Soomaalida dhexdeeda loogu wici jiray shisheeye inay xaliyaan, islamarkaana aysan ogolaan karin madaxda dowladda iyo Shacabka.

“Ma soo dhoweynayno ha na soo kala dhexgalo garab Saddexaad oo ajnabi ah, waa dhaqankii aan horey u soo baranay, waala soo dhaafay xilligaas, xaalada dowladnimada ay ku sugan tahay maanta waxa ay mareysaa in shacabka Soomaliyeed meel walba oo ay joogaan inay dareemaan dib u soo laabashada sharaftooda”.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa si toos ah uga hadlay qodobo ku jiray qoraal ay soo saareen madaxda Maamul Goboleedyada oo diiday baaqii madaxweyne Farmaajo ee ahaa inay kasoo qeyb galaan shirk 17-ka maanta ka furmi lahaa magaalada Muqdisho.

Tags
Back to top button
Close
Close