Wadani.com: Covering All Somali News. Views and Analysis
Featured Somali News

Ra’iisal Wasaare Kheyre & Wafdigiisa oo ku laabtay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib socdaal rasmi ah oo uu ku tegay dalka Boqortooyada iyo kulamo uu la yesshay madaxda dalkaasi.

Kadib safarka Wafdiga Ra’iisal wasaaraha wuxuu cumro u tegay Magaalada barakeysan ee Maka Almukarama, isagoo saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ahaa wafdiga Ra’iisal wasaaraha ayaa faahfaahin ka bixiyey socdaalkii wafdiga Ra’iisal wasaaraha.


Shalay ayey ahayd markii Ra’iisal wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ay gaareen magaalada Jiddah, iyadoo dhammeystay socdaalkoodii magaalada Riyaad, waxaana garoonka Caalamiga ah ee Boqor C/casiis magaalada Jidda ku soo dhoweeyay Amiirka Gobolka Maka Amiir Bandar bin C/casiis, waxaana la filayaa inu cumro u tago magaalada Maka inta aanu dib ugu soo laaban magaalada Muqdisho.

Wafdiga Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa socdaal muddo laba maalmood ah ku qaatay dalka Sacuudiga, isagoo la kulmay boqorka dalkaasi iyo madax kale oo ay ka wahadleen xiriirka labada dal.

Related posts

Maxkamadda Ciidamada oo sii deysay Askar lagu Caddeyn waayey Dembi lagu soo oogay

Wadani Media

Ciidamada NISA Gacanta ku dhigtay Qof dhoofinayey Lacag been abuur ah & kooxda Daabacda (Sawirro)

Wadani Media

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo War kasoo saartay khilaafka Maamul Goboleedyada & Doorashooyinka

Wadani Media

Afar ka mida Madaxda Maamul Goboleedyada oo Beesha Caalamka & IGAD ka codsaday Faragelin [War-Murtiyeed]

Wadani Media

SAWIRRO: Ra’iisal Wasaaraha oo kormeer ku sameeyay shaqada Dekadda Muqdisho & Wasaaradda Maaliyadda

Wadani Media

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Xukun toogasho iyo bixin Diyo Dib ugu xukuntay Askar ka tirsan Ciidamada

Wadani Media