FeaturedSomali News

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shirka Amniga Iyo Siyaasadda Xukuumadda (Sawirro)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirararka toddobaadlaha ah ee Tubta Amniga iyo Caddaalada iyo Tubta siyaasada loo dhan yahay.

Maamulka gobalka Banaadir, Taliska Booliiska iyo wasaaradda amniga gudaha oo qayb ka ah tubta amniga iyo cadaaladda ayaa shirka tubta amniga iyo caddaaladda kusoo bandhigay siyaasadda dawladda ee la dagaalanka mukhaadaraadka oo aad looga dooday intii kulanku uu socday.

Siyaasaddaan oo loo qorsheeyay in lagu xakameeyo dhibaatada uu mukhaadaraadka ku hayo bulshada Soomaaliyeed ayaa tubta amniga iyo caddaaladda loogu soo bandhigay si horumarin loogu sameeyo kadibna loogu gudbiyo golaha wasiirrada, ugu dambaynna looga soo saaro sharci saldhig u noqda hannaanka xakamaynta mukhaadaraadka.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa sidoo kale guddoomiyay shirka siyaasadda loo dhanyahay oo maanta looga hadlay astaynta awoodaha heerarka dawladda, samaynta siyaasadda horumarinta iyo tababarrada dawladaha hoose, dib-u-eegista sharciga dawladaha hoose iyo hindise sharciyadeedka xiriirka heerarka dawladaha.

Tags
Back to top button
Close
Close