Somali News

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Talyaaniga oo cusbitaal la dhigay.


Ra`iisul Wasaarihii hore ee waddanka Talyaaniga Silvio Berlusconi, oo wakhtigan ay da’diisu  83 sano, ayaa waagu ugu baryay isbitaal ku yaalla Milan si baaritaan loogu sameeyo kaddib markii laga helay caabuqa coronavirus.

 

Xisbiga garabka midig ee uu hoggaamiya  ee Forza Italia ayaa sheegay in xaaladdiisa aysan ahayn mid aad looga walaaco, isla markaana “uu fiican yahay”.

 

Sidoo kale labo ka mid ah carruurtiisa ayuu fayrasku ku dhacay Arbacadii, kaddib markii ay fasax u aadeen Sardinia, oo uu fayrasku aad ugu badan yahay.

Khamiistii wuxuu ku sugnaa meel u dhow maagaalada Milan.

Berlusconi ayaa Jimcihii  xalay loo gudbiyay xarunta karantiilka oo ku taalla Isbitaalka San Raffaele.

Goor sii horreysay dhaqtarkiisa gaarka ah ayaa sheegay in Silvio ay ka muuqdaan calaamadaha xanuunka.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegay in sidoo kale xaaska Berlusconiuu ku dhacay xanuunka.

Back to top button