Somali News

Ra’isalwasaaraha UK oo markale la karantiilay

Ra’isalwasaaraha Dalka Ingiriiska ayaa waxaa u billowday Maalmo uu Guriga ka soo shaqeynayo isaguna gelayo Karantiil kaddib markii qof uu la macaamilay laga helay Covid19.

Afhayeen u hadlay Ra’isalwasaare Boris Johson ayaa sheegay in Ra’isalwasaaraha la karantiilay ismarkaana uu xafiiska ka maqnaan doono ugu yaraan hal todobaad ama laba todobaad.

Boris Johnson ayaa waxaa horay ugu dhacay Xanuunka Covid19, waxaana uu halis u galag in uu geeriyoodo isaga oo lagu xiray Ogsijiinta qofka ka caawiya in uu neefsiga helo.

Covid19 dadka ugu caansan ee uu ku dhacay waxaa ka mid ah Mr Johon, Donald Trump ito hoggaamiyayaal kale oo Caalamka madax ka ah.

Back to top button