Somali News

Ra’isalwasaarihii hore oo ka digay heshiis Amni oo dhexmara Itoobiya,Soomaaliya iyo Eritrea

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa ka digay isku dayga heshiis amni iyo difaac oo u dhaxeeya Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya, kaasoo uu ku tilmaamay inay tahay arrin khatar keeni karta oo u baahan fiiro gaar ah.
Waxaa uu sheegay inay noqoneyso walaac aad u daran haddii dowladda waqtigeeda dhamaaday isku daydo inay heshiis noocaas ah ku saxiixdo Addis Ababa.
Warar la isla dhex marayo oo saacadihii la soo dhaafay soo baxayay ayaa sheegaya inuu jiro shir Addis Ababa ku dhex mari doono Isaias Afwerki, Abiy Ahmed iyo Farmaajo oo xulufo ah.
Shirkaas ayaa lagu wadaa in uu magaalada Adis ababa ka dhoco Jimcaha soo socda iyada oo ka hor lagu wado in Soomaaliga laga gaaro heshiis siyaasadeed oo dhinaca doorashooyinka la xiriira.
Back to top button