FeaturedSomali News

Raysal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo hadda la horgeeyay Baarlamanka.

 

Raysal Wasaaraha magcaaban ee Soomaaliya, ayaa hadda la horgeeyay golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya.

 

Maalmihii ugu dambeeyay, ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka socday kullamo gaar gaar ah oo loogu gogol xaarayo ansixinta raysal wasaaraha cusub ee uu magcaabay madaxweyne Farmaajo.

 

Xidhibaannada qaarkamida oo la hadlay warbaahinta dawladda, ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan CV-ga raysal wasaaraha, cusub isla markaana waxa ay ballan qaadeen in ay ansixin doonaan.

 

Raysal wasaarahan, ayaa haysta muddo 140 maalmood ah oo waddanku ku jiro xaalad siyaasadeed oo kala guur ah.

 

Maxamed Xuseen Rooble raysal wasaaraha magcaaban ee Soomaaliya, waa nin aan hore loogu aqoon siyaasadda Soomaaliya hase ahaatee waxaa lasheegay in uu kasoo shaqeeyay arrimaha horumarinta.

Back to top button