FeaturedSomali News

Raysal wasaaraha cusub, oo sifo sharci-darro ah  kula wareegay xilkii. 

 

Raysal wasaaraha dhowaan la dhaariyay ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta si sharciga ka baxsan loogu wareejiyay xilkii loo magcabaay, kadib markii uu xilka ku wareejiyay Mahdi Guuleed oo muddo laba bilood ku dhow sifo sharcidarro ah ku ahaa sii’hayaha xilka raysal wasaaraha.

 

Raysal wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre, ayaa maalintii shalay ahayd soo saaray war qoraal ah oo uu ku sheegay in diyaar uu uyahay in todobaadkan gudihiis uu ku wareejiyo xilkii uu qaranka u hayay muddada saddexda sano iyo barka ahayd.

 

Tallaabadan, ayaa loo arkaa ku tumasho sharci oo uu sameeyay madaxweyne Farmaajo , oo muddooyinkii dambeba lagu eedeeynayay in uu baalmarsanyahay sharciga.

Back to top button