Somali News

RW Rooble oo u gooddiyay Al shabab

Ra’isalwasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa farriin hanjabaad ah u dirah dhaqdhaqaaqa Al shabab.

Rooble oo ka hadlayay xuska sanadguurada 3aad ee weerarkii 14ka October ayaa sheegay in ay dowladdiisu la imaneyso dagaal ka dhan ah al shabab.

Isaga oo ka hadlayay golaha murtida iyo madadaalada oo lagu qabtay xuska maanta ayuu sheegay in al shabab ay qaraxyada u adeegsadaan gawaari ay ka qaateen Shacabka.

Wuxuu intaas Ku daray in al shabab la yimaadeen qorshe dagaal oo cusub thank dowladdana ay dhankeeda qorshe kale la imaneyso.

Waa markii ugi horreysay oo uu Ra’isalwasaare Rooble ka hadlo arrimaha al shabab kaddib magacaabistiisii 17kii September 2020.

Back to top button