FeaturedSomali News

Roobab Khasaare naf iyo maal ah geystay oo ka da’aya Puntland

Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay deegaanka Duu-hooyo ee hoostaga Magaalada Raka Raaxo ee Gobolka Bari,ayaa sababay khasaarooyin isugu jira dhimasha, dhaawacyo iyop  burbur hantiyeed.

 

Gudoomiyaha deegaanka Rako raaxo  C/risaaq C/raxman Saalax,ayaa sheeegay in roobabkan ay sababeen daadad ay ku dhimatay haweeneey da’ah, islamarkaana uu burbur soo gaaray ilaa  sodon iyo shan guri ka tirsan kuwo degmada.

War ay daabacday wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay dadaallo dheeri ah si wax  looga qabto dhibaatadan.

Guddoomiyaha Rako Raaxo, ayaa ugu baaqay bushada Soomalaiyeed, Dowladda Putlan iyo Dowladda federaalka Soomalaiya in ay u soo gurmadaan bulshadan waxyeelladu soo gaartay.

 

Saadaasha cilimada, ayaa muddooyinkan dambe ka digaysa roobab xooggan oo ku da’aya Geeska Africa.

 

Back to top button