Somali News

Rooble oo la kulmay James Swan

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ayaa la kulmay Ergeyga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Kulanka oo uu Maxamed Xuseen Rooble xafiiskiisa kula qaatay Mr Swan ayaa looga hadlay doorashada, amaanka, Iskaashiga iyo wadashaqeynta Qaramada Midoobey iyo Soomaaliya iyo Shirka Saaxiibada Soomaaliya.

Xafiiska Ra’isalwasaare Rooble ayaa sheegay in kulanka dhexmaray James Swan iyo Ra’isalwasaaraha uu miro dhal ahaa.

Beesha Caalamka ayaa il gaar ah Ku heysa doorashada Soomaaliya maaddaama ay iyada bixineyso qarashka Ku baxaya.

Back to top button