Somali News

Rooble oo shir guddoomiyay kulankii ugu horreeyay Golahiisa wasiirrada cusub

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay kulankii ugu horreeyay ee Golahiisa Wasiirrada.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa Golaha Wasiirrada cusub Ku amray in ay degdeg ula wareegaan Xafiisyada.

Waxaa kale oo uu Ku wargeliyay dardar gelinta qorshaha 90ka maalmood ee xukuumadda.

Howlaha ugu weyn ee horyaalla Xukuumadda cusub ayaa waxaa ka mid ah hirgelinta doorashada labada aqal iyo Madaxtooyada oo lagu qabanayo afar bil gudahood.

Xukuumadda cusub ayaa shalay uun kalsoonida ka heshay Golaha Shacabka lana dhaariyay.

188 Xildhibaan oo fadhiyay kulanka Golaha Shacabka ayaa kalsoonida siiyay xubnaha Golaha Wasiirrada cusub.

Back to top button