Somali News

RW Rooble oo dibadda u safraya

Ra’isalwasaaraha cusub ee Soomaaliya ya safarkiisii ugu horreeyay Ku aadaya Dalka dibaddiisa.

Safarka Maxamed Xuseen Rooble ayaa Ku wajahan dalka Kuwait.

Waxaa uu Dalkaas uga qeybgelayaa tacsida boqorkii Kuwait ee dhawaan Ku geeriyooday Mareykanka.

Kuwait ayaa ka mid ah dalalka Carabta ee dhinaca Waxbarashada ka taageera Soomaaliya.

Waa safarkii 1aad ee uu Ra’isalwasaare Rooble uga boxo dalka tan iyo magacaabistiisii 17kii September.

Back to top button