Somali News

RW Rooble ayaa faray Wasaaradda arrimaha gudaha u gargaaridda dadka Roobku saameeyay

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa muujiyay sida ay ula xanuunsanayaan dadka Soomaaliyeed ee waxyeelladu ka soo gaartay roobabkii maalmihii tagay ka da’ayay Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlayay shirka banbaxa Golaha Wasiirrada ee ka bilowday Muqdisho, ayaa faray Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Maamulka gobolka Banaadir maareynta dhibaatadii ka dhalatay roobabka, dadkana lala gaaro gurmadka ay u baahan yihiin.

Rooble ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaar in gurmadka ay qeybtooda ka qaataan.

Back to top button