Somali News

RW Rooble oo booqday safaaradda Somalia ee Kuwait

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho Ku jooga dalka Kuwait ayaa booqday safaarada Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kuwait ayaa soo dhaweeyay Ra’isalwasaaraha iyo wafdigiisa.

Shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta safaaradda ayaa Ra’isalwasaaraha uga warramay howlaha safaaradda.

Ra’isalwasaaraha ayaa dalka Kuwait u tagay tacsida Boqor Sabaax Al Axmed.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa safarkiisii ugu horreeyay ugu maqan dalkaasi Kuwait.

 

Back to top button