Somali News

RW Rooble oo Ganacsatada kala hadlay caqabadaha Covid19 ee Ganacsiga

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Mohamed Hussein Roble ayaa kulan laqaatay ganacsato ay hugaaminayaan maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadah soomaaliyeed.
Kulan kaan ayaa waxa ka qeyb galay qaar kamid ah ganacsato iyo wasiiro waxana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare waxana uu warbixin kabixiyay arimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda uu dalku maraayo dhanka siyaasadda iyo kulamadii uu laqaaday midowga musharaxiinta iyado diradda lagu saray soo laba kac leynta Cudurka COVID-19
Mudane H.Roble ayaa ganacsatada kala hadlay in ay kaalintooda ka qaataan xakameynta iyo la tacaalidda cudurka kaas oo dalka ku soo labakacleeya.
Ganacsatada ayaa talooyin kabixiyay latacaalida cudurka Covid-19.
waxana la go’aamiyay in lasameeyo gudi ka kooban 13xubnood oo kakala socda ganacsatada iyo xafiska Ra’iisul Wasaaraha.
Back to top button