Somali News

Rw Rooble oo ka qeybgalay kulanka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Magaalada Baydhaba uga qeybgalay kulanka Golaha wasiirrada Maamulkaasi.

Ra”iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu Wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa kulan Isxog wareysi iyo Dardaaran ah la Qaatay Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Kulanka ayaa sido kale waxaa ka qeybgalay Gudoomiyaha Barlamanka Koonfur Galbeed iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowlada Federaalka.

Maxamwd Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku jooga Magaalada Baydhaba.

Waa safarkiisii ugu horreeyay ee uu ku tago meel ka baxsan Muqdisho gudaha dalka.

Back to top button