Somali News

RW Rooble oo kormeeray Wadadda Tarabuunka ee dib u furista ka socoto

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kormeer Ku tagay Waddada Tarabuunka iyo KM4 oo uu socdo furitaankeeda.

Maxamed Xuseen Rooble oo ay la socdeen saraakiisha Booliska iyo xubno kale ayaa qoraal uu Ku daabacay Twitterkiisa ku yiri.

“Waxaan caawa kormeeray howshaa dib u furista waddada xiriirisa Tarabuunka & KM4 oo ku dhawaad 10 sano xirnayd. Waddadan oo halbowle u ah isu socodka caasimadda waxaan rajeynayaa in ay yareyn doonto ciriirigii ay shacabku ku qabeen jidadka caasimadda”.

Waddadan ayaa xirneyd wax Ku dhow toban sano kaddib markii sanadkii 2011kii ay degtay Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya kaddibna degtay Safaaradda Qadar ee Soomaaliya.

Back to top button