Somali News

RW Rooble oo ku wajahan Baydhaba

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Baydhabo u tagaya arrimaha Doorashada 20/21.

Rooble ayaa lagu wadaa in uu la kulmo Madaxda DG Koofur Galbeed & qaybaha kala duwan ee Bulshada si uu uga xog dhageysto halka ay wax u marayaan.

Dalku waxaa uu galayaa doorasho taas oo ay tartan adag ugu jiraan Soyaasiyiinta damaca ka leh kursiga ugu sarreeya Dalka.

Safarka Ra’isalwasaaraha ee Baydhaba ayaa noqonaya kii koowaad ee uu ku tago meel ka baxsan Muqdisho tan iyo magacaabistiisii Bishii September ee sanadkan.

 

Back to top button