Somali News

RW Rooble oo la kulmay madaxda dalka Kuwait

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafddi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray Magaalada Kuwait City ee caasimadda dalka Kuwait.

Wafddiga Ra’isalwadaaraha waxaa garoonka diyaaradaha Ku qaabilay mas’uuliyiin ka tirsan boqortooyada Dalka Kuwait.

Kaddib soo dhaweynta Ra’isalwasaare Rooble iyo wafddigiisa waxaa loo galbiyay qasriga Madaxtooyada dalkaasi.

Halkaas waxaa uu Ra’isalwasaaruhu kula kulmay madaxda dalka Kuwait.

Raisalwasaare  Maxamed Xuseen Rooble ayaa dalka kuwait uga qeybgelaya aaska boqorkii Kuwait ee dhawaan geeriyooday kaas oo lagu wado in la aaso.

Madax farabadan oo Caalamka ka socda ayaa ka qeybgelaya aaska Aala Sabaax oo bishii la soo dhaafay Ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Rooble ayaa safarkiisii ugu horreeyay oo dibadda ah Ku tagay dalka Kuwait kaddib magacaabistiisii 17kii Bishii Sptember ee la soo dhaafay.

Back to top button