Somali News

RW Rooble oo la kulmay Taliska qeybta 3aad ee AMISOM

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta booqday Taliska qeybta 3aad ee midowga Afrika oo ku yaalla Baydhaba.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa kulan la qaatay Taliyaha Qeybta Sedaax Ciidanka Amnisom iyo Taliyaha Qeybta 60aad Ciidanka Xooga Dalka.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo billaabi howlgalo ka dhan ah Al shabaab oo laga billaabo deegaannada koofur Galbeed.

Ra’isalwasaaraha ayaa Taliska Amisom uga mahadceliyay howlgalka ka dhanka ah Al shabaab ee ay ka wadaan Soomaaliya.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in uu maanta dib ugu soo laabto Magaalada Muqdisho kaddib socdaal dhowr cisho qaatay oo uu ku tagay Baydhaba.

Back to top button