Somali News

RW Rooble oo Rugta Ganacsiga kala hadlay qiimaha maciishadda

Ra’isalwasaaraha Soomaalya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kula kulmay mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlayay covid19, iyo saameynta ganacsi ee ka dhalan karta.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga kala hadlay in aan Covid19 looga faa’ideysay qiima kororka raashinka iyo ganacsiga aas aasiga u ah nolosha.

Suuqyada Muqdisho ayaa waxaa ka jira sicir barar dhinaca raashinka ah gaar ahaanna sokorta,Bariiska, Saliidda iyo waxyaabaha kale ee aas aadka u ah nolosha.

Back to top button