Somali News

RW Rooble oo sagootiyay Ben Fender

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sagootiyay Safiirkii UK ee Soomaaliya Ben Fender oo dhawaan la beddelay.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kulan sagootin ah waxaa kula qaatay safiirka Ingiriiska u fadhiyey Soomaliya Mudane, Ben Fender kaasi oo ay u dhamaatay muddaadii shaqadiisa gudaha Soomaaliya.

Mas’uuliyiintan ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriiirka ka dhaxeeya labda dal, safiirka Ingiriiska u joogay Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay dalka iyo sida loogu fududeeyay inuu guto howlihiisa’ raiisalwasaaraha ayaa dhankiisa u mahadceliyey.

Dowladda Ingiriiska ayaa dhawaan Soomaaliya u soo magacawday Safiir cusub taas oo lagu magacaabo  Kate Foster OBE,waxaana ay shaqada kala wareegeysaa Ben Fender.

Back to top button