Somali News

RW Rooble oo sheegay inuu fashilmay shirkii uu lalahaa Midowga Musharrixiinta

Ra’islawasaaraha Soomaaliya .axamed Xuseen Rooble ayaa Midowga musharrixiinta ku eedeeyay fashilka shirkii uu lalahaa ee ka socday magaalada Muqdisho.

Qoraal uu soo saaray Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ayuu ku sheegay in wali albaabada furanyihiin.

”Shirkii aan la qaatay Midowga Musharaxiinta, waxaan sameynay tanaasul badan. Qodobbadii aan ka hadalnay waan isku raacnay marka laga reebo qodob ay ku adkeysteen oo ah in laga qeyb galiyo shirka Madasha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, taas oo la macne ah in dib loo furfuro heshiiskii 17-kii September,2020, oo aanan kaligey xaq u lahayn wax ka baddelkiisa.

Wali Albaabadeydu way u furan yihiin wada hadal iyo is-qancin, si aan xal kama dambeys ah u gaarno dalkana uga hirgalinno doorasho hufan oo si nabad ah ku dhacda.”.

Back to top button