Somali News

Safiirka Cusub ee Faransiiska u soo magacaabay Soomaaliya oo Muqdisho soo gaartay (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa Warqadaha Aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Fransiiska u soo magacaabay Soomaaliya  Aline Kuster-enager.

Wasiir Cawad iyo safiiradda cusub ee Faransiiska Aline Kuster-Menager ayaa ka wadahadlay xirirka labada dal, Waxayna safiiradda ka mahadcelisay soo dhoweynta loo fidiyey, waxayna caddeysay  in dadaal ballaaran ku bixin doonto sidii ay sare ugu qaadi lahayd xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo France .

Intii kulanka qaabilaada uu socday waxa ay labada dhinac kaga wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda France sidii lagu horumarin lahaa wax u adeegaya dana wadaagga labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah.

 

Tags
Close
Close