FeaturedSomali News

Safiirka cusub ee Soomaaliya oo waraaqihiisa Aqoonsiga u gudbiyey Madaxweynaha Suudaan (Sawirro)

Madaxweynaha Dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Al-bashiir ayaa maanta Waraaqihiisa Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doono Suudaan Mudane C/risaaq Axmed Shoole.

Shoole ayaa farriin salaan ah oo uu ka siday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” u gudbiyay Madaxweyne Albashiir, isaga oo carabka ku adkeeyay qoto dheerida xiriirka labada dal iyo in Soomaaliya ay ku dadaali doonto horumarinta iyo ballaarinta iskaashiga kala dhexeeya Suudaan.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee Dalka Suudaan Usama Feysal ayaa sheegay in Madaxweyne Al Bashiir uu adkeeyay rabitaanka Suudaan ee iskaashi dhex mara Dowladaha Soomaaliya iyo Dalkiisa oo dhan walba ah, isagoo sheegay in Madaxweyne Al-Bashiir uu balanqaaday in Dowlada Suudaan ay safiirka ka gacan siineyso sidii uu u gudan lahaa Howlaha loosoo igmaday.

 

Tags
Close
Close