Somali News

Safiirka Itoobiya oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga XFS xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliye Xigeenka Ciidanka XDS Jeneraal Cabaas Amiin ayaa waxay kulan la qaateen Danjiraha Dowladda Itoobiya u jooga Soomaaliya Amb.Jamaalu-diin.

Kulanka oo aan faahfaahin laga bixin waxa sida gaarka ah looga hadlay ayaa ku soi aadaya iyada oo Ciidamada Itoobiya ee aan ka tiraaneyn AMISOM ay ka baxeen dalka Soomaaliya.

Itoobiya ayaa 3,000 oo askari Kala baxday Soomaaliya kuwaas oo ku biiraya Ciidamada Itoobiya ee dagaalka ka wada Gobolka Tigreey.

Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay Ciidamada Itoobiya ee ka baxay Soomaaliya.

Back to top button