Somali News

Safiirka Poland oo waraaqaha laga guddoomay

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Poland

Muqdisho, Nofembar 03, 2020 – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxmed Cusmaan, ayaa maanta oo Talaado ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Poland ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jacek Bazański.

Wasiiru dowle Balal Cusmaan ayaa u rajeeyay Safiirka guul joogta ah oo uu ka gaaro howlaha loo igmaday si loo xoojiyo xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah.

Danjire Jacek Bazański ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu dalkiisa ku matalo Soomaaliya oo ku taalla goob juquraafi ahaan muhiim ah, isagoo bogaadiyay dadaallada Xukuumadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan soo celinta kaabayaasha dowladda, dib u soo nooleynta dhaqaalaha iyo amni iyo xasilooni ku soo dabaalidda dalka.

Back to top button