Somali News

Safiirkii hore ee Turkiga u joogay Muqdisho oo ka digay kali talisnimada Farmaajo

Safiirkii hore ee Dawladda Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya Dr C. Kani Torun ayaa tilmaamay inay tahay in hadalka Madaxweyne Deni uu baraarug u noqdo Beesha Caalamka.

Waxaa uu ku baaqay in kalitalisnimada Farmaajo laga hortago inta goori goortahay sida uu hadalka u dhigay.

“Afrika uma baahna kaligii taliye kale ama dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daato, Beesha Caalamka waa inay dhaqso wax uga qabataa intay goori goor tahay”.

Torun ayaa ahaa Safiirkii 1aad ee uu Turkiga u soo diro Soomaaliya kaddib dib u curashadii xiriirka labada dal.

Back to top button