Somali News

Sahle-Work Zewde : Haweeneydii ugu horeysay oo Madaxweyne ka noqotay dalka Itoobiya

Baarlamaanka Itoobiya ayaa maanta doortay Haweeneydii ugu horraysay ee madaxweyne ka noqota dalka Itoobiya, kadib markii xildhibaannada labada gole ee dalka Itoobiya ay isku raaceen inay dalkaasi madaxweyne ka noqoto Sahlework Zewdie.

Waxaa isla maanta is casilay madaxweynihii  hore ee  Itoobiya Mulatu Teshome oo awood qeybsi ahaan xilka u banneeyay, isbedello ka dhacay dalkaasi oo keenay in ra’iisal wasaare loo doorto Abiy Ahmed oo kasoo jeeda Qowmiyada Oromada.

Sahle-Work Zewde ayaa ahayd diblomaasiyad khibrad dheer ah oo xilal kala duwan kasoo qabatay Qaramada Midoobay, iyadoo hadda ka mid ahayd kaaliyeyaasha xoghayaha guud ee Q/Midoobay una qaabilsaneyd Midowga Afrika.

Tags
Back to top button
Close
Close