Somali News

Saldhigga Xamarweyne oo loo magaacabay Taliye cusub xilli taliyihii xilka laga qaaday uu qalliin galay

Taliyaha cusub ee degmada Xamarweyne ayaa loo magacaabay Sharmaarke Xasan Maxamuud xilli shalay qalliin  dhinaca dhabarka uu maray Taliyihii degmada Xamarweyne Cabdirisaaq Gaas oo dhaawac firir ah uu kasoo gaaray weerar maalmo ka hor ka dhacay aagga suuqa Muqdisho Mall ee degmada Xamarweyne.

Taliyahii degmada Xamarweyne Cabdirisaaq Gaas oo sbalay  qalliin ku maray hospitaal ku yaalla magaalada Istanbul ayaa lasoo wariyay in kushuneeto lagasoo saaray qoorta hoosteeda, taas oo dhaqaatiirtu ay sheegeen in xaaladdiisa ay soo wanaagsanaaneyso.

Taliyaha hore ayaa ku dhaawacmay isaga oo ceyrsanayay Nin ay ku xirnaayeen waxyaabaha qarxa oo markii dambe ku tuuray sidaasna taliyuhu ku dhaawacmay.

Back to top button