Somali News

Sanbaloolshe oo diyaarad la raacay saqiirkii siyaasadeed

Taliyihii hore ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe islamarkaana waayadan mucaaridka ah ayaa shalay gaaray Nairobi isaga oo diyaarad la saaray Ra’isalwasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo uu horay saqiir Siyaasadeed ugu tilmaamay.

Kheyre oo markii xilka laga qaaday wareegay xagal 360 degree ah kuna biiray Mucaaradka ayaa gaaray Nairobi.

Waxaa uu ka qeybgelayaa madal lagu gorfeynayo sidii xilka looga wareejin lahaa Farmaajo oo ah ninka soo geliyay siyaasadda kana dhigay ra’islawasaare.

Kheyre waxa Nairobi Kusoo dhaweeyay Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ah lataliyaha dowladda Imaaraadka ee arrimaha Soomaaliya sidoo kalena soo noqday ra’isalwasaaraha Soomaaliya.

Nairobi waxa isugu tagay dhamaan xubnaha Mucaaradka waxaana ay shirar dhaqaale lagu raadinayo la leeyihiin dowladaha Kenya iyo Imaaraadka.

Back to top button