Somali News

Sanbaloolshe: “waa la isku qataaray madaxda Hirshabeelle”

Taliyihii hore ee NISA Cabdullahi Maxamed Sanbaloolshe ayaa sheegay in madaxda dowlad Goboleedka Hirshabeelle la isku diray.

Dowladda Soomaaliya ayuu Ku eedeeyay in ay isku qataareen Guddoomiyaha Baarlamaanka,Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa.

Waxa uu si gaar ah eedda dusha uga saaray Fahad Yaasiin iyo Madaxweyne Farmaajo.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in beeshiisa lagu takoorayo Hirshabeelle haddii wadajir wax loo dhisanwaayana la kala tashanayo sida uu hadalka u dhigay.

Taliyihii Hore ee NISA ayaa wareysi uu siiyay Universal TV Ku sheegay in afarta sano ee ay xilka heysay dowladda Farmaajo laga jaro taariikhda dalka.

Back to top button