Somali News

Saraakiil Itoobiyaan ah oo safar qarsoodi ah Ku tagay Hargeysa

Wararka ka imanaya Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in saraakiil dhinaca amaanka ah oo ka socda dalka Itoobiya ay safar qarsoodi ah Ku tageen magaaladaas.

Saraakiisha ayaa la kulmay madax katirsan Somaliland waxaana ay kala hadleen damaca Massa ee Xeebaha Somaliland.

Kulanka kadhacay Hargeysa waxaa maamulka Somaliland Ku matalayay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin, wasiirka difaaca C/Qani Maxamuud Caateeye, Taliyaha Milatariga Nuux Ismail Tani iyo Taliyaha Asluubta Axmed Cawaale Yuusuf.

Dhinaca dowladda Itoobiya waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Liyuu Police Xuseen Xaashi Qaasim, Taliyaha Ciidanka Bariga Itoobiya Zewdu Belay iyo wasiiru dowlaha waraabka Dowlad degaanka C/Raxmaan Ciid Daahir.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii Somaliland aysan saldhig uga sameysan lahayn Masar oo ay is hayaan Itoobiya, in ay iskakaashadaan amaanka labada dhinac.

Xiriirka labada maamul ayaan wanaagsaneyn 5too bilood ee ugu dambeeyay.

Back to top button