Wadani.com: Covering All Somali News. Views and Analysis
Featured Somali News

Saraakiil ka Qalin jebisay Saldhigga TurkSom oo lagu dhaariyey Xaflad ka dhacday Muqdisho (Sawirro)

Munaasbad tababar loogu soo xiray, laguna dhaariyey saraakiil ku soo biiray ciidamada xoogga dalka ayaa maanta ka dhacday saldhigga Milatgeriga Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya  oo ay a mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha ciidamada xoogga dalka, iyadoo ay la dhaariyey  47 Leyli Saraakiil iyo Saraakiil Xigeeno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ka qalin jabiyay kuliyada tababarka Turkisom ee Magaalada Muqdisho.

“Waxaan Maanta aan ka qeyb galay Munaasabad lagu dhaarinayay 47 Leyli Saraakiil iyo Saraakiil Xigeeno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ka Qalin jabiyay kuliyada tababarka Turkisom ee Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Indhoqarshe.

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa uga mahad celiyay dawladda Turkiga sida ay uga qeyb qaadaneyso dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga dalka.

Saraakiisha Dugsiga tababarka Ciidanka ee TurkSom, ayaa sheegay in dhowaan Imtixaano ay qaadeen inay ka gudbeen 185 Arday oo loo qaatay in loo tababaro Leyli Saraakiil iyo Saraakiil Xiggeeno.

Related posts

Golaha Wasiirada Xukuumadda Somalia oo ka dooday tira-koobka shaqaalaha & Deyn Cafinta

Wadani Media

Madaxweyne Farmaajo: “30-kii sano ee ugu dambeeyay Somaliya waxa lagu hayey faragelin toos ah, laakiin..” (DAAWO)

Wadani Media

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Warbixinta Qorshaha Deyn cafinta ka dhageysatay Wasaaradda Maaliyadda (Daawo)

Wadani Media

Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Somalia oo si kulul u beenisay in Korontadii laga goostay [Akhriso]

Wadani Media

Wasaaradda Warfaafinta: “Dab yar ayaa qabsaday keydka waxaana soo gaaray qasaaro yar” [Sawirro]

Wadani Media

Golaha Wasiirada Somalia oo kulan aan caadi ahayn la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (Sawirro)

Wadani Media