Somali News

Saraakiil ka tirsan 21aad iyo 27aad oo tababar ka hortagga Miinooyinka ah ku qaatay Baladweyne

In ka badan 36 askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka gaar ahaan qeybaha 21-aad iyo 27-aad ee ka howlgala deegannada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa tababar ku saabsan ka hortaga qaraxyada loogu soo gaba gabeeyay xerada ciidamada AMISOM ee ku taala duleedka magaalada Baladweyne.
Tababarkan oo socday muddo toban maalmood ayaa waxaa bixinayay macalimiin ka socotay qeybta miino barista ee qaramada midoobay (UNMAS).
Abaandulaha qeybta 27-aad ee ciidamada xoogga dalka Generaal Saalax Muuse Qoomey Yacquub oo soo xiray tababarkan ayaa askarta qaatay kula dardaarmay inay ku dadaal sidii looga hortagi laha waxyeelada qaraxyada ay geystan islamarkana foojignaan dheeraad ah ay muujiyaan.
Taliyaha Ciidanka Lugta ee Soomaaliya Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay dhawana in ay billaabayaan howlgallo ka dhan ah Al shabaab oo dalka looga saarayo.
Back to top button