Somali News

Saraakiil ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay Howlgal ciidamada DANAB ka fuliyeen SH/Dhexe

Ciidamada Kumaandooska Milateriga xoogga dalka oo gacan ka helay ciidamo saaxiib la ah ayaa weerar ku qaaday degaanka Basra oo 18-KM dhinaca koofur kaga beegan degmada Balcad ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu laayay maleeshiyaad  ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab. Howlgalka ayaa xalay saqdii dhexe laga fuliyay degaanka Basra, waxaana Maleeshiyaadka lagu laayay ka mid ah Horjooge magaciisa lagu soo koobay Macalin Daahir oo Alshabaab qaalbilsanaa degmada Balcad.

Waxaa kaloo howlgalka lagu dilay horjooge C/raxmaan Abuu Salmaan oo  Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca xukunada iyo  6-kale oo Maleeshiyaad oo ak tirsanaa Alshabaab.

Ciidanka Kumaandooska ee howlgalkaan fuliyay ayaa waxay ku guulaysteen in ay siidaayaan in ka badan 20-qof oo Shacab Masaakiin ah oo Al-Shabaab xoog ugu afduubnaa oo ay ku haysteen goobta uu howlgalka ka dhacay.

Dhanka kale NISA ayaa ka hadashay Howlgalkan laga fuliyay Basra iyadoo sheegtay In lagu dilay 6 xubnood oo Alshabaab ah. “Howlgal ciidanka Amnigu ka fuliyay Deegaanka Basra ayaa lagu dilay (6)xubnood oo Alshabab ah, xubintii madaxa u ahaana waa lasoo qabtay. Kooxdan ayaa maleegaysay weerar ay ka gaystaan magaalada Muqdisho”ayaa lagu yir war Qoraal ah oo la soo dhigay Barta Twitter-ka NISA

Tags
Close
Close