FeaturedSomali News

Saraakiil kasocda AMISON, oo Taliska 21-aad ee Ciidanka Xoogga, oo kulan kula qaatay Dhuusa-mareeb.

Wafti saraakiil sar sare ah oo uu hoggaaminayo taliyaha qeybta afaraad ee ciidamada AMISOM Korneyl Cabdiraxmaan Riyaale Xareed,ayaa gelinkii hore ee  maanta gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

 

Ujeedka socdaalka waftiga ciidamada AMISON, ayaa lagu sheegay in uu qayb ka yahay dedaallo kor loogu qaadayo ammaanka isla markaana lagu qorshaynayo guluf xoogleh oo lagu qaado dagaalyahannada Al-shabaab oo gacanta ku haya deegaanno katirsan Galmudug.

 

Saaraakiisha uu hoggaaminayo Korneyl Cabdiraxmaan Riyaale Xareed, ayaa kulankoodii ugu horreeyay magaalada Dhuusa-mareeb kula yeeshay saraakiisa taliska qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo fadhigoodu yahay Gal-mudug.

 

Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdicasiis Cabdillaahi Qooje, ayaa hoggaaminayay saraakiisa la kulantay wafti ciidammada ah ee ka socda AMISON.

 

 

Waxaana kulanka intiisa badan diiradda lagu saaray  sidii  hawlgallo wadajir ah loogu qaadi Xaradkada Al-Shabaab maamusha qaybo kamida Gal-mudug.

 

Back to top button