Somali News

Saraakiil Tigree ah oo lagu xiray gudaha Soomaaliya

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaa karo In ka badan 10 sarkaal oo ka tirsan Qowmiyadda Tigreega ee ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu xiray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in shaqsiyaadka la xiray uu ku jiro Colonel Asmelash oo ah taliye ku xigeenka qeybta 3-aad ee AMISOM.

Bartilmaameedka saraakiisha Tigreega ee ka mid ah ciidamada Itoobiya ayaa ka dambeeya isku dhaca Xukuumadda Abiy Axmed iyo maamulka Tigreega uu dagaal ku dhex marayo muddo todobaad ah waqooyiga dalkaas.

Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa maamul KMG ah u magacowday Gobolkaas halka mas’uuliyiinta Maamulkii hore xasaanadda laga qaaday loona jaray warqad lagu soo xirayo.

Back to top button