Somali News

Saraakiisha AMISOM oo kulan la qaatay Taliyaha CXD

Taliyaha qeybta 5aad ee AMISOM oo ka socda Dalka Burundi ayaa waxaa uu kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jen.Odawaa Yuusuf Raage.

Booqashada Taliyaha qeybta 5aad ee AMISOM ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto xoojinta wada shaqeynta labada Ciidan iyo sidoo kale dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-shabab.

War uu soo saaray Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Taliyaha qeybta 5aad ee AMISOM jen. Barandereka kala hadlay Jen.Odawaa Yuusuf Raage sidii ay labada Ciidan oo iskaashanaya howlgal wadajir ah uga fulin lahaayeen deegaannada Hirshabelle.

Degmooyin ka tirsan Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe waxaa Todobaadyadii la soo dhaafay ka socday howlgallo ka dhan ah Al shabaab oo ay fulinayeen saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaanna qeybta 27aad.

Back to top button