Breaking NewsSomali NewsWarbixinXulashada

Saraakiisha qaybta 21-aad ee CXD oo ka hadlay Xoreynta Deegaannada ay Argagaxisadu ku sugantahay

MUQDISHO (WADANI)- Kulan uu Taliyaha qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga, Cabdicasiis Cabdulaahi cabdi “Qooje”  uu maanta  la qaatay saraakiisha ka tirsan qaybta ayaa looga hadlay wadashaqeynta taliska, iyo dardar gelinta qorshaha argagaxisada looga saarayo  deegannada Galmudug.

Saraakiisha qeybta 21-aad ee kulanka ka qayb galay oo taliyaha cusub ee qaybta ugu hambalyeeyey xilka, ayaa ballan qaaday in ay kala shaqeyn doonaan ka guul gaaridda xoreynta deegaannada Galmudug, si loo helo nabad waarta iyo horumar.

Saraakiisha ayaa u mahadceliayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo dhammaan cid kasta oo gacan ka geysatay isku dhafka ciidanka iyo u diyaarinta xoreynta deegaannada Galmudug.

Taliyaha Guutada 15-aad, Mascuud Maxamed Warsame iyo taliyaha qaybta 21-aad ee saldhiggedu yahay magaalada Dhuusamareeb, Cabdicasiis Cabdulaahi cabdi “Qooje”  oo ka war bixiyay waxyaabihii  kulanka looga hadlay ayaa si wadajir ah u ballan qaaday in talisku uu ka shaqeynayo sidii bulshada ku nool Galmudug guud ahaan ay uga dul qaadi lahaayeen argagaxisada dhibaatada ku heysa.

Back to top button
Close
Close