Somali News

Saraakiisha Qeybta 21aad oo Askar tababar loo furay la dardaarmay

Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xooggga Gen: Maxamed Cadoow Cali “Sanka” oo ay Wehliyaan Saraakiil Ciidan oo uu ka mid yahay G/le Sare Cabdulahi maxamed muuse (kayse) Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Qaybta 21-aad, ayaa kormeer ku gaarey Dugsiga Aruuris ee Deegaanka Xananbuurrehalkaa oo ay kujiraan Ciidamo in mudo ahba uu u socdey tababar Sare oo lagu barayay Xirfadaha Ciidanka.

Gen: Maxamed Cadoow Cali “Sanka” Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xooggga oo Ciidamadan la hadley ayaa ku bogaadiyay sida ay u xusheen in ay u adeegaan qarankooda isla markaana diyaarka ugu yihiin ka gudbida tababarka u socda oo ah mid Sare.

Back to top button