Somali News

Saraakiishii lagu laayay Galguduud oo la aasay

Magaalada  Balanballe ee Gobolka Galguduud waxaa saaka lagu aasay lix sarkaal oo shalay lagu dilay inta u dhaxeysa Guraceel iyo Balanballe.

Saraakiisha oo tababar ku dhameystay Xerada Harqaboobe ayaa waxaa jidka u galay malleeshiyo beeleed waxaana loo dilay aanooyin

1》Gaashaanle Dhagaqool Yuusuf
2》Gaashaanle Cabdi Guuna Guune
3》laba-Xidigle Faarax Jaamac Colaad
4》 Kabtan Shariif Cirro Maxamed
5》Gaashaanle Gaangul Xalane
6》 Kabtan Siciid Xassan Faleey.

Madaxda Galmudug iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaankaas ayaa cambaareeyay falkaasi lagula kacay saraakiisha ka tirsanaa Ciidanka xoogga dalka.

Back to top button