FeaturedSomali News

Sarkaal katirsan Booliiska Soomaaliyeed oo lagu toogtay Muqdisho .

 

Sarkaal laba xidigle ah oo katirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ayaa saaka lagu toogtay  magaalada Muqdisho.

Dablay  hubaysan oo aan la aqoonsan, ayaa fuliyay dilka marxuunkan oo lagu magcaabi jiray Buulle Xuseen ahaana sarkaal katirsan booliiska gaar ciidamada ilaalada gaarka ah ee xarunta baarlamanka Soomaaliya.

Ragga dilay sarkaalkan oo ku hubaysan bistoolado, ayaa goobta isaga baxsaday.

Wararka, ayaa sheegaya in sarkaalka la dilay uu ka ganacsan jiray Rootiga oo uu ka gadi jiray ciidanka Ilaalada ee xarunta golaha shacabka. Waxaan wakhtiga ladilay uu Rooti kasoo gaday Degmada Howlwadaag iyada oo lasheegay in uu u waday ciidanka ilaalida xarunta  golaha shacabka.

 

Ciidammo booliis oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay oo kutaalla xafaadda Shanta-geed ee degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, ayaa qaaday maydka marxuunka.

 

Back to top button