Somali News

Sarkaal la dhashay Madaxeynihii hore ee Soomaaliya oo ka badbaaday isku day dil

Sarkaal ka tirsan Laanta Dambi baarista C.I.D-da ee Maamulka Puntland ayaa ka badbaaday isku day dil kaddib markii Gaari uu watay uu ku qarxay.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Warsame Yuusuf Axmed (Yeey) ayaa ka badbaaday weerarkaas iyada oo Qarax lagu xiray Gaarigiisa uu saaka kula qarxay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

inta badan Magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhaca Qaraxyo ay sheegtaan Al shabaab iyo Daacish waxaana ay beegsadaan inta badan Mas’uuliyiinta labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug oo magaaladaas ka wada taliya.

Weerarka saaka ayaa ku soo aadaya iyada oo dhawaan Xabsiga Boosaaso ay AL shabaab ka siidaayeen boqolaal Maxaabiis ah kaddib markii ay xilli habeen ah Weerar ku ekeeyeen.

Back to top button