FeaturedSomali News

SAWIRRO: Ra’iisal wasaare Kheyre oo si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga

Ra’iisal wasaaraha xukuuamdda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa gaaray magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo si diiran loogu soo dhoweeyay halkaasi.

Ra’iisal wasaare Kheyr iyo wafdigiisa waxaa Garoonka caalamiga ah ee Boqor Khaalid, Magaalada Riyaad ku soo dhoweeyay madax ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga oo ay ka mid yihiin: Amiir ku xigeenka Gobolka Maka Amiir Maxamed Bin C/raxmaan Ibn C/casiis, Wasiiru dowlaha arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacuudiga Axmed Bin C/cass Al-qadan,  Xoghayaha Gobolka Maka Eng. Daariq Bin C/casisi, Safiirka Sacudiga u qaabisan Soomaaliya Maxamed Al-khayad iyo sii-hayaha safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga Saalim Macow Xaaji.

Socdaalka Kheyre ee dalka Sacuudiga ayaa ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal, isagoo la kulmi doona madaxda Boqortooyada Sacuudiga, wuxuuna martiqaad ka helay boqorka dalkaasi Salmaan Bin C/casiis.

Tags
Close
Close