Somali News

Seynab Xaabseey: “Ciidanka degmadu waxa ay toogteen nin miino aasayay”

Ciidamada amaanka ayaa xalay saqdii dhexe ruux Miino aasayay ku toogtay degmada Warta-nabadda gaar ahaan waaxda horseed laanteeda Nationka.

Guddoomiyaha Degnada Warta-nabadda, Seynab Xaabsey oo saaka warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in Ciidanka ay toogteen qofka Miinada aasayay.

Ma jirto Cid ka madaxbanaan Guddoomiye Xaabseey oo xaqiijisay dhacdada ay Ciidamada xalay geysteen.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayay weerarro u badan qaraxyo.

Maareeyaha Dekadda Muqdisho ayaa ka badbaaday Miino kula qaraxday Isgoyska Miranaayo.

Saldhigga Xamarweyne ayaa lagu tuuray Bam gacmeed halka qof qarax isku xirayna uu 8 qof ku dilay Degmada Wadajir.

Back to top button