Maqal & MuuqaalSomali News

Shacab iska abaabulay Degaano ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe oo Dagaal kala hortegay Alshabaab [Daawo]

Qeybaha Bulshada deegaanada Guulane, Koosar, Nuur Dugle iyo Masaajid Cali Gaduud oo hoostaga degmooyinka Aadan-yabaal iyo Cadale ee ka tirsan Gobolka Shabeelaha dhexe ayay isu abaabulay la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Maleeshiyada degaanka ayaa dagaal kala hortegay kooxda Alshabaab, iyagoo  dagaaladii ugu danbeeyay ee ay la galeen ku dilay maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Alshabaab. Qaar ka mida raggaan is abaabulay ee qoryaha u qaatay Al-Shabaab ayaa kacdoonkooda ku sheegay inay diidan yihiin amar ay Al-Shabaab ku soo rogeen dadka deegaanka oo ah iaey carruurtooda 8-jirada ka weyn ay ku wareejiyaan.

[penci_blockquote style=”style-1″ align=”none” author=”Mid ka mida dadka is abaabulay”]Waxaa nagu kalifay inaan la dagaalano Ururka Al-Shabaab,anagoo dad rayid ah oo ku nool tuulo hoostagto degmada Aadan-yabaal oo la yiraahdo Guulane, waxaa nagu kalifay siddeed sano ayuu wadanka naga kireysnaa intaasi maal ayaan bixin jirnay,waxayna noola yimaadeen kiradii wey ka badatay,waxaana nala yiri dadkiina keenna carruurtiina,Gabdhihiina Wiilashiina keenna in nala yiraahdo taasaa nagu kaliftay[/penci_blockquote]

Wuxuuna hadalkiisa intaasi raaciyay in Maleeshiyada Al-Shabaab sanadkii saddex ilaa iyo afar jeer lacago baad ah oo ay ku tilmaameen waxay ugu yeereen Zakawaad iyo canshuur ka qaadi jireen.

Dadka deegaanka ee ka dhiidhiyay xadgudubka iyo tacaiyadda Al-Shabaab waxaa ka dhex muuq dad da’ ah oo iyagu dhibka jecleyn, balse u adkeysan waayay dhibaatada Al-Shabaab,sidaasina u kacay qoryahana u qaatay.

 “Wallaal aniga waxaan jiraa 50-sano, ciyaar ciyaar iigama cadda, waxay igu kalifeen in maalkeyga si been been ah ku dhammeeyaan oo yiraahdaan qeyb Canshuur ku qaadaan,qeyb Zakawaad waa yiraahdaan iyo qeyb kale ay yiraahdaan wax walba,dad aadan dilin kiradiisa keen waa ku leeyihiin,dhibaatadaasi ayay 8 ilaa iyo 9-sano nagu haayaan, ugu danbeyntii waxay nagu yiraahdaan Wiil 8-sano jira qof walba ha keenno ayay nagu yiraahdeen,” ayuu yiri Aabe 50-sano jir ah oo dadka deegaanka Guulane ka tirsan.

Shacabka degaanadaas ka tirsan Sh/Dhexe ayaa  Dowladda Federaalka iyo Beesha caalamka ugu baaqay inay ku garab istaagaan dagaalka ay kula jiraan Kooxda Al-Shabaab

Tags
Close
Close