Somali News

Shacabka ku dhaqan Jowhar, oo amar cusub lagu soo rogay.

 

Maamulka Hir-shabeelle, ayaa amar cusub ku soo ragay dadka ku dhaqan caasimadda maamulkaas ee Jowhar.

 

Amarka cusub ee kasoo baxay maamulka Hirshabelle ayaa ah in la diiwaan geliyo guud ahaan dadka ku dhaqan magaalada Jowhar ee kujira guryaha ay kiraysteen iyo weliba mulkiilayaasha guryaha magaalada .

 

Arrintan, ayaa looga danleeyahay in lagu xaqiijiyo amniga magaalada, maadaama maalmihii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen falal amni darro oo lagu laayay masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii gudaha maagalada Jowhar lagu toogtay wasiir ku xigeenkii Diinta iyo Awqaafta ee  maamulka Hirshabeelle.

 

Back to top button